guud ahaan wadanka marka laga reebo maamulada pundlan iyo maamulka gooni isku taaga ku dhawaaqay ee soomali lend ayaa waxa eey ardayda u fadhiisatay imtixaanka qaranka,
in ku dhaw sodon iyo shan kun oo arday ayaa maanta imtixaanka u fadhiisatay balse arinka xusida mudan ayaa ah in sanadkii labaad oo xariir ah imtixaanka qaranka eey ka soo muuqdeen ardayda qaba baahiyaha gaarka ah,
sanadkii hore ayee aheed markii dufcadii ugu horeesay eey ka midnoqdeen ardayda imtixaanka galeeysa taas oo dhabo u jeexday ardayda manta
ardaydan oo qaar kamid ah warbaahinta la hadleen waxa aay sheegeen in rajo ween ka qaban in imtixaanka ku baasan waxaase ardayda si lamid ah dufcadii ka horeesay ayee walwal ka qabaan in mudankooda waxbarasha heli doonaan maadama ilaa hada saxiibadood wax deeq waxbarasha ah aaysan ka helin dowlada mid gudaha iyo mid dibadaba,
ururrka dhalinyarada araga naafada ka ah ee UDHAN waxa uu soo dhaweeynayaa ardayda u fadhiisatay imtixaanka waxa uuna urajeenaya guul iyo natiijo ay ku farxaan

dhinaca kale waxa uu ururka si cod dheer baaq ugu diraaya DOWLADA in ardaydaan laga war hayo oo aan la dayicin si lamid ah saaxiibadii ka horeeyay iyaga .
baaq gudoomiyaha UDHAN Cabduqaadir Maxamad Cabdulaahi Saxansaxo
