Magaalada muqdisho waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo aay ka soo qeeb galeen Xildhibanada labada gole ee barlmaanka guddiga xuquuqul insaanka ee Aqalka sare.
Kulankaan ayaa waxaa lagu dalbanaayay in lahelo xaqa ka maqan dadka baahiyaha gaarka qabo ugu horeen waxa hadal ka jeediyay madasha guddoomiyaha golaha naafada kharanka Cali Cabdulaahi Salad.
Xilibaan Sahra oo ka tirsan gudiga Xaquuqal Insaanka aqalka hose ayaa Madasha ka sheegtay, in mar Uganda ay boqdeen iyada iyo guddoomiyaha naafada Kharanka ay ku soo arkeen in Khoonda u gaar ah labada aqal ku leeyihiin Naafada, sidoo kalana ay la kulmeen gabar naafa ah oo la tartantay Dad lixaadkooda qaba kana guuleysatay, waxa ay dalbatay in la helo matalaaddii Naafada Soomaaliya.

Xildhibaan Dr Cilmi oo ka socday gudidga maliyadda Barlamaanka oo isagana ka hadlay madasha ayaa sheegay in ka gudi ahaan ay dadaal ku bixin doonaan in miisaniyadda hay’adda naafada qaranka marka la dhiso si deg deg ah loogu fasixi doono.
Dhinaca kale xildhibaanad Sahra oo iyadana ka mid ah guddiga maliyadda ayaa dalbatay in aan la takoorin dadka baahiyaha gaarka qaba goobaha shaqada, waxbarashada iyo fursadaha dowlada.
xildhibaanad Sahra ayaa si adag u dalbatay in la dhiso hay’ada naafada dhaxdoodana ay isqab-qabsiga iska daayaan sida lagu arko badana Soomaalida kale ayna ka shaqeyaan in la dhiso hay’adda waxa ayna ballan qaaday in meel kasta ay geyn doonto codka naafada.
Ugu danbeyn Cabdi Fitaax Xasan Kalkacal oo ah Suxufi qaba bahiyaha gaarka ah kuna hadlaayay afka naafada ayaa si adag goobta uga sheegay in dad badan oo ka mid ah kuwa hooshan ku jira inaysan daacad ka ahayn.