Nagu Saabsan
Udhan Waa kuma?
Magaca ururka waa UDHAN ( Ururka Dhalinyarada Araga Naafada ka ah) waana urur aan faa’iido doon aheyn kana shaqeeya wacyigalinta, waxbarida iyo horumarinta dhalinyarada araga naafada ka ah. Ururku waxa uu ka hawl gali doonaa guud ahaan geyiga Soomaaliyeed. Xarunta guud ee Ururka waa magaalada Muqdisho; waxaa kale oo ururku xarumo ku yeelan karaa gudaha iyo dibada.
Howl Fulin(Mission)
U istaagida wacyi galinta, waxbaridda iyo horumarinta guud ahaan da’ yarta araga naafada ka ah anaga oon faa’ida doon aheyn.
Hiigsi (Vision)
In la gaaro heer qofka araga la’ uu kala sinaado ruuxa araga qaba dhanka arimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasada.
Qaab dhismeedka maamulka Ururka
Gudoomiye, Gudoomiye ku xigeen, Xoghaya guud, madaxa arimaha Bulshada, Madaxa Maaliyada, Madaxa xiriirka Guud iyo Madaxa Wacyi Galinta.
Ururku waxa uu hiigsanayaa
- Wacyi galinta, waxbarida iyo horumarinta dhalinyarada araga naafada ka ah
- Iska warqabka dhalinyarada araga araga naafada ka ah
- Ka shaqeyta isku xirka dhalinyarada araga naafada ka ah
- Ka qeyb qaadashada horumarinta bulshada
- Xiriir iskaashi oo lala sameeyo hayadaha ka shaqeeya waxbarashada iyo taageerida dhal inyarada araga naafada ka ah