Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha JFS mudane Mohamed Bare Mohamed oo Maanta Xafiiskiisa ku casuumay xubno ka tirsan (UDHAN) ayaa Ugu horeen Wasiir Bare ayaa warbixin guud oo la xariirta xogta ururka ka dhageestay Gudoomiyaha Udhan Mudane Ibrahin Mohamed Ali,kaas oo si qoto dheer kaga faalooday daruufta keentay aasaaska udhan,
marxaladihii uu soo maray iyo hiigsiga fok ee ururka.Sidoo kale dhankeeda Fordooso Abdule Malin oo ah xubin sare oo ka tirsan Maamulka udhan oo ku hadleesay doorka gabdhaha sharafta badan udhan ayaa ku dheeratay caqabadaha guud ee gabdhaha naafada wajahaan si gaar ah kuwa Araga la, waxay wasiirka ka dalbatay in la helo ka qeeb gal loo simanyahay marka la joogo arimaha iyo fursadaha loogu tala galay Dhalinyarada.
Dhankiisa Wasiir Bare oo aad ugu muqsuuday wax qabadka iyo isku tashiga Aqoonyahanada Araga la ayaa kaga mahad celiyay udhan sida cajiibka leh ay isugu tashteen iyaga oo aanan helin taageeradii loogu tala galay.Wasiirka ayaana Balan qaaday inuu inta uu wasaarada joogo ka qeeb galin doono dadka naafada fursadaha jiro#Sinaan,Sinaan,Sinaan.
Sawiro:






